Raysal wasaare Rooble Oo War Ka Soo Saaray Xiisada Ka Dhex Taagan Ahlu Sunna Iyo Galmudug
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay xiisada Colaadeed ee kasoo cusboonaatay deegaano ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Qoorqoor.
War-saxaafadeed uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu marka hore tacsi ugu diray dadkii ku geeriyooday dagaaladii Ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna ku dhexmaray deegaanka Bohol, wuxuuna Caafimaad deg-deg ah u rajeeyay dadkii dhaawacmay.
Rooble ayaa hoosta ka xariiqay in deegaanada Galmudug ay ka jirto dowlad Goboleed haysata sharciyad buuxda, isla markaana mas’uul ka ah amniga deegaannada, isagoona ku baaqay in laga dheeraado tallaab kasta lagu carqaladaynayo Galmudug.
Wuxuu intaas kusii daray Ra’iisul Wasaraha in Cid kasta oo qabta tabasho ay u marto xalka dariiq nabadeed, isla markaana dalbaday in la joojiyo abaabulka hubaysan iyo weerarada baal-marsan sharciga, taas oo halis ku ah xasilloonida iyo kala danbaynta.
“Hoggaanka Galmudug waxaa ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nabadgalyada, kala danbaynta iyo wadajirka reer Galmudug, waana in si deg deg ah loo xalliyo xiisadaha iyo khilaafaadka kale ee aan rabshadaha wadan” ayuu yiri RW Rooble.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay dhamaan reer Galmudug maamul iyo shacab in ay gacmaha is qabsadaan, una midoobaan dagaalka Alshabaab iyo cid kasta oo halis ku ah xasilloonida, dowladnimada iyo horumarka Galmudug.
Si kastaba Galmudug ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhexeeysa Ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidan taabacsan Ahlusunna Waljameeca oo dib loo abaabulay, waxaana Ahlusunna ay la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Guriceel.