Raysal Wasaare Oo Ku Waajahan Magaalad Jawhar Ee Xaranta Maamulka Hirshabeele

0
260

Raysal Wasaare Oo Ku Waajahan Magaalad Jawhar Ee Xaranta Maamulka Hirshabeele

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta laguw adaa in uu gaaro Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hir-Shabeelle.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in u jeedka Ra’iisul Wasaare Rooble ee socdaalkiisa Jowhar ayaa ah u kuurgalidda xaaladaha ka jira Degaanada Hoostaga magaaladaasi iyo ka jawaaabidda cabashooyin kasoo yeeray bulshada Hir-shabeelle.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigiisa ayaa si gaar ah ugu kuurgali doona xaaladaha fartahaadaha ee kajira Magaaladaasi iyo sidoo kale sidii loo xalin lahaa khilaafka weli ka taagan doorashadii dhawaan ka dhacday Magaaladaasi Jowhar, waxaana horay tiro dhowr jeer ah ay cabasho kaga soo yeertay Bulshada Magaaladaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee an helnay waxaa ay tilmaamayaan in saaka ammaanka Magaalada Jowhar la adkeeyay, waxaana Magaalada lagu arkayaan Ciidamo aad u farabadan oo ammaanka sugaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here