Friday, September 4, 2026
Home WARAR Raysal Wasaare Ku Xigeenka Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Kulan La Qaatay Madaxwaynaha...

Raysal Wasaare Ku Xigeenka Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Kulan La Qaatay Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen

0
884

Raysal Wasaare Ku Xigeenka Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Kulan La Qaatay Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Djibouti kula kulmay madaxwaynaha dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka iyo madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wada hadlay xariirka labada dawladood iyo labada shacab, arrimaha gobalka, iyo amniga.

Mahdi Maxamed Guuled ayaa madaxwaynaha Djibouti uga mahad-celiyey taageerada reer Jabuuti  la garab taaganyihiin shacabka iyo dawladda Soomaaliye.

Madaxweyne Geelle ayaa intii kulanku socday ballan qaaday inay joogtaynayaan is-garab istaagga shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Wsiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labad dawladood ayaa qayb ka ahaa kulanka ay yeesheen ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Djibouti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here