Ra’isul wasaaraha Itoobiya oo balan qaaday qabashada doorasho xor ah
Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka tirsan hogaamiye yaasha xisbiyada Mucaaradka si looga arinsado doorashada ku soo wajahan dalkaas.
Arintaan ayaa waxaa qeyb ay ka tahay ololaha uu ugu jiro siyaasad furan oo ka hirgasha Itoobiya.
Kulanka ayaa waxaa xaadir ku ahaa 81 xubnood oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka,waxaana la isla soo hadal qaaday sidii doorashada ay u noqon laheyd mid xor xalaal iyo cadaalad ku dheehan,sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay barta uu Twitter-ka ku leeyahay xafiiska Ra’isul wasaaraha.
Mucaaradka Itoobiya ayaa dhankooda ka hadlin kulanka maanta ay la qaateen mr Abiye Axmed.
Isbaheysiga EPRDF oo uu ka tirsan yahay Ra’isul wasaare Abiye talada Itoobiya hayay tan iyo sanadkii 1991-dii iyadoo xubnaha barlamaanka ay badi ka tirsan yihiin isbaheysigan.
Mr Axmed ayaa tan iyo markii uu talada la wareegay bishii April ee sanadkaan waxaa uu la yimid isbadal siyaasadeed isaga oo xabsiyada ka daayay maxaabiis badan,halka hogaamiye yaasha mucaaradka ah ay sanado badan kadib ay dib ugu laabteen Itoobiya.
Todobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii Gudoomiyaha doorashada uu u magacaabay haweeneyda lagu magacaabo Birtukan Mideksa oo ka tirsan xubnaha sare ee Mucaaradka.