Kulanka loo ballansan yahay ayaa sidoo kale waxaa ku casuuman madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo dhiggiisa Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe).
Labada dhinac ayaa horey ugu balamay in maanta oo khamiis ah kulan ay isugu yimaadaan si loo sii wado wadahadalada u dhexeeya R/Wasaaraha soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharaxiinta mucaaradka ah.
Dhanka kale xubno ka tirsan wakiillada beesha caalamka ayaa weli wada dedaallo ay ku qancinayaan maamullada Puntland iyo Jubaland inay ka qeybgalaan shir madaxeedka Muqdisho ee looga arinsanayo doorashada dalka.
Beesha Caalamka ayaa marar badan sheegtay in xal u helidda xiisada ka taagan siyaasadda Soomaaliya ay ku jirto dhameystirka heshiiskii ay madaxda dalka gaareen 17-kii September 2020 ee lagu faahfaahiyay hannaanka doorashada.