Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku sii jeeda Garowe iyo wafdi hordhac u ah oo gaaray

0
451

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku sii jeeda Garowe iyo wafdi hordhac u ah oo gaaray

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku wajahan magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, iyadoo safarkiisa la xiriiro xal u helida caqabadaha ku horgudban hirgelinta hannaanka doorashada.

Wafdi hordhac u ah Ra’iisul Wasaare Rooble oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Garowe.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirkii maalmo ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho ee Somalia Partnership Forum ka sheegay inuu safaro ku tagayo Garowe, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula kulmaya magaalada Garowe Madaxweynaha Puntland, si ay uga wada hadlaan wada shaqeynta labada dhinac, iyo sidii loo xalin lahaa tabashada iyo khilaafka ka jira hannaanka doorashada.

Puntland iyo Jubbaland ayaa illaa hadda soo gudbin guddiyadii doorashada heer dowlad goboleed, iyagoo saluugsan qaabka dowladda Federaalka ku wajaheyso doorashada, iyadoo arrinta Gedo ka taagan ay tahay qeybta ugu weyn ee caqabada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here