Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Imaaraadka Carabta Kala Hadlay Gurmadka Abaaraha Dalka

0
323

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Imaaraadka Carabta Kala Hadlay Gurmadka Abaaraha Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen ayaa weli booqasho rasmi ah ku jooga Magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta, isagoona halkaasi ka wada kulamo kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Abu Dhabi kula kulmay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee dalkaas oo uu kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Madaxda uu kulanka la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa sheegay inay ka go’an tahay garab istaaga dadka Soomaaliyeed ee abaarta saameynta ku reebtay, isla markaana ay gargaar lasoo gaari doonaan dadkaas dhibaateysan, si loogu caawiyo.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejisay deeq Gargaar ah oo isugu jirtay Raashin iyo Daawo, taasi oo loogu tala-galay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu ku saameysay Gobolada dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Dhaxal sugaha Abu Dhabi Sheekh Maxamed Bin Zaayid Ala Nahyaan doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaareen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here