Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda “Waxaan Ahay Tabliiq Nabadeed”

0
332

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda “Waxaan Ahay Tabliiq Nabadeed”

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed khadar ayaa dhankiisa Markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka xooggan ee soo kala dhex-galay farmaajo iyo Rooble.

Mahdi Guuled oo soo saaray Qoraal kooban oo uu kaga hadlayo xaaladaha soo cusboonaaday ayaa sheegay in haatan uu labada dhinac ugu baaqayo in ay xaaladda dejiyaan,oo ay xal rasmi ah gaaraan.

Waxaa uu isku tilmaamay in uu  yahay tabliiq Nabadeed, isagoo sheegay in labada mas’uul looga baahan yahay in dalka ay u turaan, oo ay heshiiyaan.

“Waxa aan ahay “Tabliiqi Nabadeed”. Waxaa aan labada oday ugu baaqayaa in ay dalka caymadiyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed khaddar.

Hadalka Mahdi Guuleed ayaa imaanaya,iyadoo khilaafka farmaajo iyo Rooble uu circa isku sii shareerayo,waxaana labada dhinac ay soo saareen qoraallo kala duwan oo kasoo baxay xafiisyadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here