Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool

0
514

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee Gobolka Bakool, halkaasoo si heer sare ah ay ugu soo boqolaal shacab ah.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo ka soo jeeda deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu ka degay Xudur, waxaa uu boqolaal dadweyne kula hadlay Garoonka kubadda Cagta ee Waaberi, iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadweynaha reer Xudur kula hadlay lahjada Maayga, waxaana uu dadweynaha uga mahadceliyay sida diirran ee loo soo dhoweeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here