Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Erdogan oo Geneva ku kulmay

0
488

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Erdogan oo Geneva ku kulmay7

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirro ka kala tirsan labada dowladood ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sidoo kale kulankooda uga hadlay horumarinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga si daaha looga rogo fursaado dhaqaale xooggan oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyed.

Mr Kheyre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa Geneva u jooga ka qayb galka Madasha Qaxootiga adduunka oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga gaar ahaan isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here