Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Xarunta Gurmadka Deg degga Ah

0
584

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Xarunta Gurmadka Deg degga Ah

Muqdisho, Axad, Deseembar 29, 2019— Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday xarunta gurmadka degdegga ah oo ay ka socoto isku dubba ridka howlaha loogu gurmanayo dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii argagaxiso ee Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Khayre oo xarunta gurmadka kula kulmay guddiga gurmadka ee maanta uu magacaabay iyo dhallinyarada dhanka farsamada kala shaqeyneysa, ayaa ka dhageystay warbixin la xariirta howlaha ay wadaan ee loogu gurmanayo dhibanayaasha, waxuuna kula dardaarmay inay dadaalkooda dhan isugu geeyaan in sida ugu dhaqsaha badan dhaawacyada loo daryeelo.

Xarunta gurmadka degdegga ah ayaa waxaa si habsami leh uga socda dadaallada gurmadka dhaawacyada, iyadoo dhaawacyada xaaladoodu ay aadka u darantahay loo diyaarinayo daryeel dalka dibaddiisa ah si loo badbaadiyo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo kamid ah xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dhaawacyada waxyeelladu kasoo gaartay weerarka argagaxiso, waxuuna la kulmay maamulka Isbitaalka oo warbixin ka siiyay xaaladda bukaannada lasoo gaarsiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here