Ra’iisul Wasaare Horey Isku Casilay Oo Mar Kale RW Loo Magacaabay

0
420

Ra’iisul Wasaare Horey Isku Casilay Oo Mar Kale RW Loo Magacaabay

Amiirka dalka Kuwayt ayaa  mar kale Ra’iisal wasaare u magacaabay Shiikh Sabaax Al-Khaalid

Amiirka dalka Kuwayt Nawaaf Al-Axmad Al-Jaabir ayaa maanta oo Axad ah dib ugu magacaabay Ra’iisul wasaaraha dalkaas Shiikh Sabaax Al-Khaalid Al-xamad Al-Sabaax.

Wakaaladda wararka ee Kuwayt ayaa sheegtay in wareegto ka soo baxday xafiiska amiirka dalkaas lagu magacaabay Shiikh Sabaax Al-Khaalid.

Ra’iisal wasaasraha la magacaabay ayaa la amaray inuu so xulo golo wasiiro oo tayo leh kuwaas oo dalka ku hoggaamin kara horumar .

Amiirka dalka Kuwayt ayaa hore u aqbalay iscasilaadda xukuumaddii hore isagoo ka codsady inay xilka sii hayaan inta laga soo dhisaayo xukumad cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here