Ra’iisul Wasaare Abiy Oo Socdaal Lama Filaan Ah Ku Gaaray Asmara

0
398

Ra’iisul Wasaare Abiy Oo Socdaal Lama Filaan Ah Ku Gaaray Asmara

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa Maanta socdaal lama filaan ah ku gaaray Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Asmara International Airport ayaa Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, waxaana intaas kadib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada.

Abiy Ahmed ayaa kulan la qaatan doona inta uu halkaas ku sugan yahay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyagoo ka wada hadli doona Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda Gobolka iyo tan labada dal.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Abiy ee Asmara ayaa ku soo aaday, iyadoo Itoobiya ay ka jiraan qalalaase siyaasadeed iyo rabshado dad fara badan ku dhinteen oo ka dhashay dilkii Fanaankii caanka ahaa ee reer Oromo Haacaaluu Hundeesa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here