Ra’iisul Wasaarahe Rooble Oo Maanta Hortegaya Baarlamaanka

0
311

Ra’iisul Wasaarahe Rooble Oo Maanta Hortegaya Baarlamaanka

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedku ka dhammaaday ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa inay ku yeeshaan Xarunta Villa Hrageysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Warbixin uu Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble u jeedin doono Golaha, isagoona uga hadli doona waxqabadka 100-kii maalmood ee Xukuumadda iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goorsii horeysay loo diray farriimo ku aadan in Maanta uu jiro kulan, isla markaana kasoo qeyb galaan, si ay u dhageystaan Warbixinta uu jeedin doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda.

Maalin kahor ayaa la filayay in Rooble uu hortego Baarlamaanka Federaalka, hayeeshee waxaa uu ka baaqday, xili horey loo shaaciyay inuu Golaha u tegayo 9-ka Febraayo, hayeeshee Maanta ayaa la filayaa inuu jeedin khudbad la wada sugayo.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble uga digay inuu Golaha weydiisto muddo kororsi ay sameeyso dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo waqtigiisa dhammaaday.

Kulanka Xildhibaanada ayaa saacadaha soo socda uu ka furmayo Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, waxaana Maanta isha lagu hayaa Warbixinta uu jeedin doono Ra’iisul Wasaaraha oo la shaaciyay inay tahay waxqabadka 100-kii maalmood ee Xukuumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here