Ra’iisul Wasaaraha Xilka Canada la wareegaya oo ku hanjabay in uu dagaal siyaasadeed la galayo Trump

0
13
FILE - Mark Carney speaks during his Liberal leadership campaign launch in Edmonton, Jan. 16, 2025. (Jason Franson/The Canadian Press via AP, File)

Ra’iisul Wasaaraha Xilka Canada la wareegaya oo ku hanjabay in uu dagaal siyaasadeed la galayo Trump

Mark Carney oo ku guuleysto in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha soo socda ee Dalka Canada isla markaana baddeli doonna Justin Trudeau ayaa ku hanjabay in uu dagaal siyaasadeed la geli doonno Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee dalkiisa cadaadiska ku haya.

Carney ayaa sheegay in uu dalkiisa ka badbaadin doonno dhibaatooyinka uu u abuurayo Madaxweyne Donald Trump oo marar badan ugu goodiyay in ay raacdo Maraykanka haddii kale dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha uu dhexda ka dhigi doonno.

Ninkaan oo horay usoo qabtay xil ah ‘Madaxa Bangiyada Dhexe ee Canada & Britain ayaa ka guuleystay saddex musharrax oo hoggaanka Xisbiga Liber-ka katirsan si uu xafiiska u fadhiisto una baddelo Justin Tredueau oo xilka wareejin doonna.

59 jirkaan ku takhasusay arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegay in uu dejiyay qorshe uu isaga muusayo dhibaatooyinka dhaqaale ee dalkiisa uu la doonayo Madaxweynaha Maraykanka ee Trump oo dabinka la damacsan.

Mark Joseph Carney oo ah nin aan qoslin ayaa lagu yaqaan ad adeeg iyo in uu la dhammeeyo qofka ay isku qabtaan siyaasadda ahaan, dhinaca dhaqaalaha waa aqoonyahan shahaadooyin kala duwan ka qaatay Jaamacado ku yaalla Canada & Ingiriiska.