Ra’iisul wasaaraha Suudaan oo kala diray Golahii Wasiirada Xukumadda KMG ah
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Suudaan, Kamil Idris, ayaa kala diray Xukuumaddii kumeel gaarka ahayd ee dalkaasi, isaga oo lagu wado inuu soo magacaabi wasiiro cusub.
Wakaaladda Wararka ee SUNA ayaa baahisay in Ra’iisul wasaare Kaamil Idiris soo dhisi doono Xukumad cusub, taasi oo ay ka soo muuqan doonaan wasiiro tayo leh.
Waxaa ay noqon doonta xukuumadda cusub, midii ugu horreysay ee la soo dhiso tan iyo markii uu dagaalka qarxay Suudaan bartamihii sanadkii hore.
Kamil Idris waxaa xilka ra’iisul wasaaraha u magacaabay taliyaha guud ee ciidamada Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan, kaasoo ah madaxa dowladda kumeelgaarka ah ee dalka.
Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay kooxda RSF horey u sheegtay inay iyagu dhisi doonaan xukuumad u gaar ah oo ay la wadaagaan qaar kamid ah xisbiyada taageersan.
Idris ayaa Sabtidii si rasmi ah xilka ugu dhaartay, isagoo noqonaya ra’iisul wasaarahii ugu horreeyay ee dalku yeesho tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2021.
Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka RSF ayaa sababay dhimashada tobanaan kun oo qof, halka ay barakaceen in ka badan 13 milyan oo qof, taasoo Qaramada Midoobay ku tilmaantay inay ka mid tahay musiibooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun caalamka waqtigan.