Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo lagu qasbayo in uu cambaareeyo Duullaanka Ruushka ee Ukraine.

0
357

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo lagu qasbayo in uu cambaareeyo Duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Diblumaasiyiinta ugu sareysa 22 wadan oo ay ku jiraan waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa si wada jir ah ugu baaqay dowlada Pakistan in ay taageerto Cambaareynta Ruushka uu ku muteystay duullaanka Ukraine.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin kula kulmay Magaalada Moscow 24-Feb-2022 saacado kahor inta uusan billaaban duullaanka ka dhanka ah Ukraine.

Mareykanka iyo xulafadiisa kasoo horjeedda duullaanka Ruushka ayaa marba dhan ka weeraraya Ruushka, waxa ay cadaadis xooggan saarayaan Madaxda ay u arkaan in ay u janjeeraan dhinaca Moscow.

Dalalka saxiixay qaraarka ka dhanka ah Ruushka ee Cambaareynta ku qasbaya Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa kala ah: Austria, Belgium, Bulgaria, Czech Republic, Denmark, France, Germany, Greece, Hungary, Italy, Portugal, Poland, Romania, Spain, Sweden, Netherlands, Canada, Japan, Norway, Switzerland & Britain.

Qaramada Midoobay ayaa u baahan saddex meelood labo meel (3/2) Dalalka Xubnaha ka ah si uu u dhaqangalo cambaareynta loo jeedinayo ficillada uu ku dhaqaaqay Ruushka ee uu ku beegsaday Ukraine, balse Moscow ayaa xulufeysaneysa waddamo kala duwan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo jeediyay Khudbadda sanadlaha ah ayaa eedeyn xooggan kala dul dhacay Ruushka, waxa uu tilmaamay in xad-gudub ka dhan ah Ukraine in uu sameeyay maadaama uu galay ciiddooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here