Raiisal Wasaare Khayre iyo Wafdigii uu hoggaaminaayay ee USA shirarka uga qaybgalay oo Muqdisho ku soo laabtay

0
530

Raiisal Wasaare Khayre iyo Wafdigii uu hoggaaminaayay ee USA shirarka uga qaybgalay oo Muqdisho ku soo laabtay

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii magaalada Washington ee dalka Mareynkanka uga soo qeyb galeen shirkii deyn cafiska Soomaaliya.

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay Wasiiro,Xildhibaano ka tirsan labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Shirarkii ugu dambeeyay ee Wafdiga Ra’iisal wasaare Khayre kaga qeyb galeen magaalada Washington oo intooda badan diirada lagu saaray arrimaha dhaqaalaha,amniga iyo arrimo badan oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa wafdiga waxay kala soo hooydeen guulo wax ku ool ah.

Madaxdii ka soo qeyb gashay shirarkaasi ayaa dhammaantood waxay qireen iney diyaar u yihiin iney Soomaaliya kala hadlaan sidii lagu dhammeystiri lahaa deynta lagu leeyahay iyo cafinteeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here