Ra’iisal Wasaarahii Ivory Coast Oo Ku Geeriyooday Cisbitaal Ku Yaal Dalka Jarmalka

0
370

Ra’iisal Wasaarahii Ivory Coast Oo Ku Geeriyooday Cisbitaal Ku Yaal Dalka Jarmalka

Ra’iisal wasaaraha Ivory Coast, Hamed Bakayoko, ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaal dalka Jarmalka, sida ay shaacisay xukuumadda waddankaas.

Bakayoko, oo laga daweynayay xanuunka Kansarka ayaa geeriyooday Arbacadii, maalmo uun kadib markii uu 56 jirsaday.

Waxaa ra’iisal wasaare loo magacaabay bishii July ee sanadkii hore, kadib markii geeri degdeg ah ay ku timid ninkii jagadaas hayay, Amadou Gon Coulibaly.

Madaxweynaha Ivory Coast, Alassane Ouattara, ayaa ku tilmaamay Bakayoko “nin qaran, oo tusaale wanaagsan u ahaa dhalinyarada, isla markaana lahaa daacadnimo aad u saraysa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here