Qoysaska kooban ee ku haray Laascaanood oo ka barakacaya Duqeynta ku socota Magaaladaas.
Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool waxaa ka socda Barakac ay sameynayaan qoysaska kooban ee Magaaladaas ku haray kaddib markii inta badan Shacabka ay isaga barakaceen colaadda ka jirta.
Barakaca cusub waxa uu yimid kaddib markii ay kordheen duqeynta Ciidamada Somaliland ee Xaafadaha qaar ku dhacday taasi oo sababtay dhimasho, Dhaawac iyo burbur soo gaaray guryaha qaarkood.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ugu dambeyn ay ka quusteen joogitaanka Magaalada Laascaanood maadaama duqeynta joogta noqotay dagaalkana uu sii daba-dheeraaday si naftooda u badbaadsadaan ay isaga baxayaan Magaaladaas.
Barakaca cusub ee ka socda Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool ayaa sii kordhinaya diiwaanka Dadka horay loo shaaciyay ee maalmihii lasoo dhaafay isaga baxay Magaaladaas si ay naftooda uga badbaadiyaan dagaallada iyo duqeynta.
Warbixinno ay soosaareen Hay’ado kala duwan oo qaarkood Qaramada Midoobay hoostaga ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 200,000 (Labo boqol oo kun oo ruux) ay ka barakaceen Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.
Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa sheegay in deegaannada Dowlad-Deegaankaas ay gaareen ku dhowaad 60,000 (Lexdan kun oo ruux) oo ah Dadka ka barakacay Colaadda Laascaanood ka billaabatay 6dii Febaraayo 2023.