Qofkii u horeeyay oo loo dilay Bandowga Muqdisho iyo banaan bax ka dhashay

0
426

Qofkii u horeeyay oo loo dilay Bandowga Muqdisho iyo banaan bax ka dhashay

Dadweyne careysan ayaa banaan bax rabshado wata waxay caawa ka bilaabeen agagaarka Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kaddib markii askari ka tirsan ciidanka booliska uu qof shacab dilay, qof kalena dhaawacay.

Banaan baxayaasha oo ka careysan dilka wiilka dhalinyarada ah iyo dhaawaca qofka kale ayaa taayaro ku gubay inta dhaxeysa Isgoyska Jubba iyo dugsiga Bartamaha.

Dilka ayaa goobta ka dhacay abaarihii xilligii Bandowga ee dowladda ku soo rogtay Muqdisho ee 7-da Fiidnimo, kaddib markii kaga soo hormariyay saacad.

Askariga dilka geystay ayaa ka tirsan Ciidanka Booliska, waxaana la sheegay inuu ku sugnaa barta koontaroolka ee Ciidamada Booliska ku hubiyaan gaadiidka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada qof ee dilka iyo dhaawac loo geystay ay ahaayeen wiil iyo gabar degenaa agagaarka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, kuwaasoo banaanka fadhiyay, waxaana ay ka dhega adeegeen amarka uu askariga siiyay ee ahaa inay xaroodaan maadaama xilliga bandowga ahaa.

Shacabka Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay xilliga dowladda soo rogtay Bandowga ee bisha Ramadaan, maadaama 7-da Fiidnimo ay jiraan dad goob kale ka afura ama maqaayado, sidaasna Bandowga u sameynayo, isla markaana salaada cishaha iyo taraawiixda uu saameyn ku yeelanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here