Qaxooti Kasoo Cararay Colaado Daba-Dheeraaday Oo Lagu Soo Dhaweeyay Puntland
Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray qoysas farabadan oo kasoo cararay Colaadaha daba-dheeraaday ee ka jira dalka Yemen, kuwaasi oo soo dhaweyn loo sameeyay.
Qoysaska Qaxootiga ah oo isugu jiray Soomaali iyo Yemeniyiin ayaa waxaa Dekadda Boosaaso kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Puntland, waxaana qoysaska ay u badan yihiin haween iyo Carruur.
Qaxootiga oo tirro ahaan gaaraya 98 Qoys ayaa waxaa Dekadda Boosaaso looga daabulay gaadiid, isla markaana waxaa la geeyay Xarun Puntland ugu tala-gashay in la dejiyo qaxootiga kasoo cararaya Colaadaha daba-dheeraaday ee ka jira dalka Yemen.
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay in qaxootiga Xarunta la geeyay lagu lagu siiyay adeegyo ay ka mid yihiin Cunto bisil, biyo iyo adeegyo Caafimaad oo Deg-deg ah.
Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa gudaha Puntland gaar ahaan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku qul-qulayay Qaxooti isugu jiray Soomaali iyo Yemeniyiin, kuwaasi oo ay Puntland u saameysay dib u dejin.