Qarax Loo Adeegsaday Hadiyad Ahaan Oo Ka Dhacay Ruushka Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

0
232

Qarax qorsheesan oo ka dhacay maqaayad lagu shaaho oo kutaalla magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka ayaa lagu dilay nin lagu magacaabo Maxim Fomin ,balse ku caan baxay magaca Vladen Tatarsky.

Ninkan la dilay oo katirsanaa milatariga Ruushka ayaa sidoo kale caan ku ahaa faafinta dacaayadaha ay rabto dowladda Ruushka, waxa uuna kamid ahaa dadka sida weyn u taageersanaa dagaalka Ruushka ka wado Ukraine.

Qarax hadiyad ahaan loogu soo qariyay baakad ayaa lagu dilay ninkan xilli uu ka qeyb galayay munaasabad ka socotay maqaayad kutaalla St Petersburg, waxaa qaraxan sidoo kale ku dhaawacmay 25-qof oo kale.

Baakada qaraxa lagu soo qariyay oo goobta keentay haweeney ayaa loo dhiibay ninkan katirsanaa milatariga Ruushka, waxaana durba halkaasi ku qarxay bambadii ku jirtay bakaadaha lasoo galiyo hadiyadaha.

Maqaaxida qaraxa lala beegsaday waxaa horey u lahaa nin la yiraahdo Yevgeny Prigozhin, oo ah madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee caanka ah ee Wagner ee ka jira gudaha Ruushka.

Booliiska Ruushka ayaa baadi-goobaya labo haween ah oo lagu tuhmayo in qaraxan ka dambeeyeen, waxaana muuqaalka CCTV kasoo muuqatay mid kamid ah haweenkaasi oo maqaayada la galeysa baakada la tuhmayo in qaraxa ku jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here