Qarax lala eegtay Hoyga Madaxa Howlaha Dekedda Kismaayo waxaa ku geeriyooday Xaaskiisa oo Xaamilo ah & wiil uu dhalay!

0
398

Qarax lala eegtay Hoyga Madaxa Howlaha Dekedda Kismaayo waxaa ku geeriyooday Xaaskiisa oo Xaamilo ah & wiil uu dhalay!

Laamaha ammaanka DG Jubbaland ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax sababay dhimashada labo ruux oo Shacab ah iyo dhaawaca qof kale oo ka dhacay Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee Dowlad-Goboleedkaas.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga DG Jubbaland Jaamac Axmed Cali (Joofane) ayaa sheegay in qaraxa lagu beegsaday hoyga madaxa howlaha Dekedda Kismaayo, waxaana ku dhintay Haweeney Xaamilo ah (Uur leh) iyo wiil ay dhashay halka uu ku dhaawacmay wiil 14 jir ah.

Ciidamada ammaanka oo sameeyay howlgallo baaris ah ayaa gacanta ku dhigay 20 ruux oo la tuhmayo balse baaris lagu wado sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga DG Jubbaland Jaamac Maxamed Cali (Joofane).

“Qaraxa waxa uu ka dhacay Guriga Madaxa howlaha Dekedda Kismaayo, waxaa ku dhintay Haweeney Xaamilo ah iyo wiil ay dhashay waxaana ku dhaawacmay wiil 14 jir ah oo isla qoyska ah, Ciidamadu qaraxa kaddib waxa ay sameeyeen howlgallo” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga DG Jubbaland oo la hadlay VOA Somali.

Dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga DG Jubbaland Jaamac Axmed Cali ayaa sheegay in howlgallo baaris ah oo laamaha ammaanka ay ka sameeyeen xaafadaha Kismaayo in lagu soo qabtay qaraxyo iyo Dad la tuhmayo.

Baaris ayuu sheegay in Afhayeenku in ay ku wadaan hay’adaha shaqada ku leh ka gungaarista dadka la tuhmo si qofkii lagu caddeeyo loo geeyo maxkamad halka shaqsigii lagu waayo dib xorriyadiisa loo sii doonno sida uu hadalka u dhigay.

“Howlgallo ka dhacay Kismaayo waxaa lagu xiray Dad badan, ku dhawaad 20 ruux oo kamid ah Dadkaas oo la tuhmayo ayay baaris ku wadaan Hay’adaha ammaanka, qaraxyo ayaa gacanta lagu dhigay oo laga hortagay” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga DG Jubbaland.

Magaalada Kismaayo Xarunta KMG ah ee DG Jubbaland waxaa ka socda howlgallo ay wadaan Ciidamada Nabadsugidda waxaa barbar socda qaraxyo xaafadaha qaar ka dhaca oo intooda badan lagu beegsado Gawaarida mas’uuliyiinta iyo guryaha ay degen yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here