Qarax Khasaare Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Masjid Ku Yaalla Dalka Afgaanistaan

0
230

Qarax Khasaare Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Masjid Ku Yaalla Dalka Afgaanistaan

Qarax weyn ayaa ka dhacay masjid ku yaalla caasimadda dalka Afgaanistaan ee Kabul, sida ay booliisku sheegeen.Qaraxan ayaa loo malaynayaa inuu dhacay salaaddii maqrib, iyadoo laga cabsi qabo inuu jiro khasaare badan, inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

Khaalid Zadran oo ah afhayeenka ciidamada Taalibaan ee magaalada Kaabul oo ay soo xiganeyso warbaahinta gudaha ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay xaafadda 17-aad ee magaalada.


HomeWarar
Qarax Khasaare Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Masjid Ku Yaalla Dalka Afgaanistaan
On Aug 18, 2022

Share
Qarax weyn ayaa ka dhacay masjid ku yaalla caasimadda dalka Afgaanistaan ee Kabul, sida ay booliisku sheegeen.Qaraxan ayaa loo malaynayaa inuu dhacay salaaddii maqrib, iyadoo laga cabsi qabo inuu jiro khasaare badan, inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

Khaalid Zadran oo ah afhayeenka ciidamada Taalibaan ee magaalada Kaabul oo ay soo xiganeyso warbaahinta gudaha ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay xaafadda 17-aad ee magaalada.

RELATED POSTS
Dhageyso:-Warka Subaxnimo Ee Radio Dalsan 18/08/2022

Aug 18, 2022
Musharaxiin Soomaali Ah Oo U Tartamaya Kuraasta Golaha Deegaanka Ee Magaalada Toronto

Aug 18, 2022
Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 17/08/2022

Aug 17, 2022
Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay uu ku jiro imaamkii masjidka.Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray.

Adeegga gurmadka deg-degga ah, isbitaal ku yaalla Kabul, ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in 27 qof “la geeyay isbitaalka ka dib markii uu qarax ka dhacay aagga PD17”.

“Shan caruur ah ayaa ka mid ah, oo uu ku jiro ilmo toddobo jir ah,” ayaa intaa la raaciyay.Toddobaadkii hore wadaad caan ah oo taageersan Taliban ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah, oo sidoo kale ka dhacay Kabul. Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here