Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ugu deeqday $25 Milyan oo wax looga qabanayo Abaarta Dalka ku dhufatay.

0
343

Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ugu deeqday $25 Milyan oo wax looga qabanayo Abaarta Dalka ku dhufatay.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Bani aadamnimada ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u fasaxday lacag dhan $25 Milyan oo dollar si gargaar degdeg ah loogu gaarsiiyo qoysaska ay saameynta taban ku reebtay abaarta ku dhufatay Gobollada Dalka.

Aadan Abdelmoula oo ah xiriiriyaha Gargaarka Bani aadamnimo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtaan laga soosaaray Sanduuqa Taakulada si Cunno & Biyo loogu gaarsiiyo Dadka Abaarta ku saameysay Dowlad-Goboleedyada Jubbaland & Puntland.

Kaalmadaan ayuu sheegay Aadan in lagu kabayo $17 Milyan oo Doollar oo dhawaan laga soosaaray Sanduuqa Gargaarka degdega ee Qaramada Midoobay si wax loogu qabto dadka abaarta saameynta taban ku reebtay.

“Lacag xili hore la bixiyo waxa ay door firfircoon ka qaadaneysaa howlaha bani aadamnimo ee 2022 si looga hortago dhibaatooyin dhanka nolosha ah loona badbaadiyo Dadka abaartu saameynta taban ku reebtay” ayuu yiri Aadan Abdelmoula.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 4.3 Milyan oo ruux ay u baahan yihiin Cunno iyo Biyo, in ka badan Nus milyan ruux waa 500,000 (Shan boqol oo kun) oo qof oo ku nool Geeska Afrika si looga hortago Khatarta nololeed loo baahan yahay gargaar degdeg ah.

Aadan ayaa sheegay in diiradda ay u saaran tahay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa meelaha ay adag tahay in gargaarka la geeyo si loo yareeyo haliska filashada aanay wanaagsaneen ee u baahan naf hur iyo dhabar adeeg sida uu hadalka u dhigay.

Qaramada Midoobay ayaa December 2021 waxa ay soo gudbisay digniin la xiriirta in saddexda bil ee ugu horreysa sanadka 2022 abaarta Geeska Afrika kasii dari karto haddii aan loo helin gurmad degdeg ah iyo qorshe lagu wajaho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here