Qaramada Midoobay Oo Ruushka Ka Dalbatay Inuu Ciidamadiisa Kala Baxo Ukraine.
Kulanka guud ee Qaramada Midoobay ayaa loogu codeeyay qaraar lagu cambaareynayay duulaanka Ruushka, waxayna ka dalbadeen Ruushka in ay ciidamadooda si dhaqsi ah ugala baxaan Ukraine.
Qaraarka ayaa waxaa taageeray 141 wadan oo ka mid ah 193 wadan ee xubnaha ah, inta lagu guda jiray kulanka guud ee Qaramada Midoobay oo ahaa mid degdeg ah oo ay goluhu isugu yeereen.
ntii ay socotay codeyntu ayaa safiirka Ukraine ee Qaramada Midoobay Sergiy Kyslytsya wuxuu sheegay in Ruushku u yimid in uu burburiyo Ukraine.
Waa kulankii ugu horeeyay oo degdeg ah oo goluhu isugu yeeray xubnaha tan 1997 kii.
Ciidamada Ruushka ayaa duullaan ku qaaday dalka Ukraine, waxaana dalkaas ka socda maalintii 8-aad dagaalo qaraar iyo duqeymo aan kala joogi laheyn oo Ciidamada Ruushka ku hayaan Magaalooyinka dalkaas.