Qaramada Midoobay oo ka digtay Macluul baahsan oo ka dhici karta Qaarada Afrika

0
424

Qaramada Midoobay oo ka digtay Macluul baahsan oo ka dhici karta Qaarada Afrika

Ku dhowaad 45 milyan oo qof oo ku nool dalalka dhaca dhanka koonfureed ee qaarada Africa ayaa qarka u saaran gaajo iyo macluul sida lagu sheegay warbixin khamiistan ka soo baxday hey,ada cuntada aduunka ee WFP.

Arintaan ayaa loo aaneynayaa isbadalka dhanka cimillada iyo roobabka daadadka wata oo la filayo in ay ka hooraan 16 wadan oo dhaca dhanka koonfureed ee Afrika.

Dhibaatada cunta yarida ah ee jirta wali ma arkin taasi waxay muujineysaa in dhibaatada ay ka sii dari karto, sidaasi waxaay sheegtay agaasimaha hey,ada WFP u qaabilsan dalalka koonfurta Afrika Ms Lola Castro.

Haweeneydan ayaa intaa ku dartay in dadka qaar ay durbaba bilaabeen in deeganadooda ay ka Huleelaan.

Wadamada ugu daran ee laga cabsi qabo ayaa waxaa ka mid ah Eswatini, Lesotho, Madagascar, Malawi, Mozambique, Namibia, Zambia iyo Zimbabwe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here