Qaramada Midoobay Oo Ansixisay Qaraar Ku Aadan Muslimiinta Myanmar

0
422

Qaramada Midoobay Oo Ansixisay Qaraar Ku Aadan Muslimiinta Myanmar

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA) ayaa Jimcihii ansaxiyay qaraar si adag u cambaareynaya xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee loo geystay dadka Rohingya ee ciidamada Myanmar ay kula kaceen .xarig aan sharci aheyn, jirdil, kufsi, dil iyo xabsi.

Wadamada xubnaha ka ah UN-ka ayaa u codeeyay 134- in la qaado tallaabo deg deg ah oo lagu joojinayo nacaybka midab takoorka ee lagula koco dadka Rohingya iyo iyo kuwa kale ee laga tirada badan yahay ee gobollada Rakhine, Kachin iyo Shan.

Golaha ayaa taageeray qaraarka oo sidoo kale ugu baaqaya xukuumadda Myanmar in ay qaado tallaabooyin deg deg ah oo lagula dagaallamayo kicinta nacaybka ka dhanka ah Rohingya.

Qaraarka UN-ka sharci ahaan ma ahan mid qasbaya dowladda Mayanmar,laakiin waa mid ka turjumaya muujinta afkaarta dunida ee la dagaalanka tacadiyada.

Dadka ugu badan Myanmar ee Budiistaha ayaa u arka Rohingya inay yihiin dad ka yimid Bangaladesh, in kasta Mayanmar ay ku noolaayeen qarniyo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here