Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Xukuumadda Muuse Biixi Oo Madaxa Iskula Jira Iyo Khilaaf Hor Leh Oo Ka Dhex Aloosan + Magacyadda Masuuliyiinta Isku Murugsan Iyo Hay’adaha

0
870

Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Xukuumadda Muuse Biixi Oo Madaxa Iskula Jira Iyo Khilaaf Hor Leh Oo Ka Dhex Aloosan + Magacyadda Masuuliyiinta Isku Murugsan Iyo Hay’adaha

Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa khilaaf wayn ka dhex aloosan yahay, waxaanu khilaafkani saamayn xoog leh ku yeeshay Dhinaca Geedi socodkii shaqada Hay’addahani iyo Shaqaalaha ka hawlgala oo si weyn uga war warsan Khilaafka Madaxdii ugu saraysay ka dhex aloosan.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay Wargeyska Foore ayaa iftiimiyay in Wasaaraddo door ah iyo Hay’addo kale oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay la ildaran yihiin khilaaf ragaadiyay Hawlihii shaqada ee ay Qaranka iyo Umadda u hayeen,kaasi oo saamayn xoogleh ku yeeshay shaqaalihii iyo guud ahaan hay’addahaasi oo laga dareemayo,waxaanay qaarkood khilaafkani gaadheen heer Madaxtooyo, iyagoo qaar ka mid ah Wasiiradu shaqo joojin ku sameeyeen Agaasimayaashooda guud,kadib markii awood loo siiyay inay talabadaasi qaataan, waxaanay agaasimayaashaasi gaaf wareeg kaga jiraan Shaqadoodii, inkasta oo intooda badani aan wax dhex dhexaadin ah laga galin ee ay isla murugsan yihiin.

Sida warbixintan Wargeysa Foore soo gaadhay ay sheegayso,waxa uu khilaaf weyni ka dhex jiraa Wasiirka Wasaaradda Shaqo galinta Hinda Gaandi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) kaasi oo sida la sheegay gaadhay heer ay Gabadha Wasaaraddaasi haysataa shaqada ka joojiso Agaasimaha kadib sida warbixintani aanu helnay markii ay dacwad ka gudbisay dhinaca Madaxtooyadda islamarkaana awood loo siiyay inay talaabadaasi qaado. Dhinaca kale waxa uu Agaasime Ilkacase socod tamashleh Mudooyinkii ugu dambeeyay ugu maqnaa safar dibada ah, dhawaan ayaanu soo laabtay, waxaana loo badinayaa inuu khilaafkoodu salka ku hayo arimo dhinaca shaqada ah.

Sidoo kale Waxa uu Khilaaf horlehi mudooyinkii u dambeeyay ka dhex jiraa Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaadi iyo Agaasimihiisa Guud Axmed Xasan Carwo kaasi oo dibada u soo baxay islamarkaana sida lanoo xaqiijiyay salka ku haya arimo Dhinaca maamulka ku saabsan. Warar kale ayaa sheegaya Khilaa xoogleh oo ka dhex aloosan Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen Iyo Agaasimahiisa Guud kaasi oo gaadhay inaanu agaasimaha Guud shaqadaba kasoo xaadirin. Waxa intaasi dheer oo iyaguna Madaxa iskula jira Gudoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barokacayaasha Cabdikariin Xinif iyo Agaasimahiiisa Guud kuwaasi oo khilaaf kala irdheeyay muddooyinka dambe kaasi oo saamayn ku yeeshay hawlihii iyo shaqadii ay qaranka u hayeen oo naafowday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here