Puntland: Qof Ku Jiray Xarunta Karantiilka COVID-19 Oo Geeriyooday

0
404

Puntland: Qof Ku Jiray Xarunta Karantiilka COVID-19 Oo Geeriyooday

Guddiga ka hortega faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus ee Maamulka Puntland ayaa xalay shaaca ka qaaday in qof kamid ah dadkii looga shakisnaa COVID-19 ee la karantiilay uu geeriyooday.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in qofka uu ku geeriyooday Xarunta karantiilka, kaasi oo dhawaan looga shakiyay inuu qabo Cudurka, isla markaana laga qaaday baaritaano, wallow weli aysan soo bixin Natiijada baaritaanka la qaaday.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Guddiga ka hortega faafida Cudurka ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in maalintii shalay aheyd la karantiilay 9 Ruux oo looga shakiyay inay qabaan Coronavirus, kuwaasi oo laga qaadi doono baaritaano kala duwan.

Guddiga ayaa shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland ugu baaqay inay qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo, si looga hortego faafida Cudurka, isla markaana loo wadashaqeyo si wadajir ah.

Waa qofkii ugu horreeyay ee deegaanada Puntland gaar ahaan Magaalada Garoowe ku geeriyooday, isagoo ku jira Xarunta looga talagalay in dadka lagu karantiilo, kaasi oo weli aysan soo bixin Natiijada baaritaanka laga qaaday.

Hoos ka Akhriso Warbixin ay soo saareen Guddiga Puntland u qaabilsan COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here