Puntland Oo Xabsiga Dhigtay Ciidamo Ka Tirsan Booliska Iyo Sababta Loo Xidhay Ciidamadaasi

0
313

Puntland Oo Xabsiga Dhigtay Ciidamo Ka Tirsan Booliska Iyo Sababta Loo Xidhay Ciidamadaasi

Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland ayaa xalay lagu xiray xabsi ku yaalla Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay isku dayeen inay hub kala baxaan Xarun Ciidan.

Ciidanka Booliska Qardho ayaa xiray 13 askari oo ka tirsan Ciidanka daraawiishta Puntland, kadib markii uu fashilmay qorshe ay ku doonayeen inay hub iyo saanad ugala baxaan Xarunta Tababarka Ciidamada Xorgoble, halkaas oo hubka yaallay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa laga soo xigtay in inta aan la xirin Askarta uu iska horimaad kooban dhexmaray Askarta la qabtay iyo Ciidanka Booliska, in kastoo aan wax khasaaro ka dhalan Israsaaseyntii dhacday.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in isku dayga lagu doonayay in hubka loogala baxo Xarunta Tababarka Ciidamada Xorgoble ay ku eedeysnaayeen 20 askari oo 13 kamid ah gacanta lagu dhigay, halka 7 kalena ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidanka Booliska oo kaashanayey Ciidanka Madaxtooyada Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar ayaa la wareegay Saldhiga Booliska Magaaladaas, waxaana saaka degan xaaladda Qordho, kadib Israsaaseyntii dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here