Puntland Oo Soo Saartay Amar Cusub Oo Ku Socda Shacabka Garoowe

0
401

Puntland Oo Soo Saartay Amar Cusub Oo Ku Socda Shacabka Garoowe

Taliska Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saaray amar cusub oo ku socda dadka doonaya inay ka safraan Caasimadda Puntland ee Magaalada Garoowe ee aadaya deegaano kale.

Taliyaha saddexda koontarool ee laga soo galo Garoowe Axmed Maxamuud Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qof kasta oo doonaya inuu safar uga baxo Magaaladaas laga rabo inuu keensado qof damiin ka ah, si safarkiisa loogu fasaxo.

Sidoo kale Taliye Axmed Maxamuud ayaa sheegay in qofka markii uu la yimaado damiin uu caddeyn doono ujeedka safarkiisa iyo halka uu tegi doono, isla markaana Go’aan ay laamaha amniga ka gaari doonaan markaas safarka qofka.

Waxaa kaloo uu tilmaamay Taliyaha in Caasimadda Puntland ee Garoowe uu ka bilowday howlgal baaritaano ah oo lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortego wax kasta oo keeni kara falal amni darro oo dhaca.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan sheegay in Ciidanka amniga Maamulkiisa la geliyay heegan buuxa, isla markaana ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, lana adkeeyay amniga Magaalooyinka.

Al-shabaab ayaa dhawaan weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyagoona sheegtay inay halkaas kala baxeen maxaabiis farabadan oo ku xirnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here