Puntland Oo Si Cad Uga Hor Timid Go’aankii Isimada Ee Xalka Loogu Raadinayay Xiisadda Boosaaso

0
296

Puntland Oo Si Cad Uga Hor Timid Go’aankii Isimada Ee Xalka Loogu Raadinayay Xiisadda Boosaaso

Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hortimid go’aankii Isimada ay soo saareen ee ahaa in hubka, gaadiidka iyo hantida Ciidanka PSF uu qaato Agaasimihii hore PSF Maxamuud Diyaano.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadaa Puntland ayaa lagu tilmaamay in arrintaas meel ka dhac ku tahay sharafta Dowladnimo khatarna gelineysa amniga iyo xasilloonida Puntland.

Jawaabta ay soo saartay Madaxtooyada Puntland  imaanaysa iyadoo Isimada Puntland aysoo saaray go’aan ay sheegeen in lagu soo afjarayo khilaafkii ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay agaasimihii hay’adda PSF.

Isimada ayaa shir u socday muddo labo toddobaad ah ka dib waxay soo saareen go’aano ka kooban 4 qodob oo ay shegeen in ay xal u yihiin khilaafkii taagnaa.

1: Isimada ayaa go’aamiyay in la dhaqan galiyo go’aankii xil ka qaadistii lagu sameeyay agaasimihii PSF Janaraal Maxamuud Cusmaan Cabdulahi islamarkana xilka lagu wareejiyo agaasimaha cusub ee uu madaxweyne Deni soo magacaabay.

2: Isimada Puntland ayaa waxay sidoo kale go’aamiyeen in agaasimihii hore ee PSF la siiyo hubka iyo guryaha saldhigga u ah ciiddanka PSF.

3: Waxay dhanka kale isimada gudoomiyeen in xukuumadda Puntland ay bixiso xuquuqdii ciidamada PSF ka maqneyd muddada 13 bilood ah.

4: Isimada ayaa gudoomiyay in qarashaadka ku baxaya ilaalada gaarka ah Janaraal Maxamuud Cusmaan Cabdulahi ay dowladda Puntland bixiso.

Hoos ka akhriso War-saxaafedeedka aksoo baxay Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here