Puntland Oo Gacanta Ku Dhigtay Kalluumeysato U Dhalatay Dal Carbeed
Saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka badda ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay xeebaha Gobolada Bari iyo Sanaag, waxaana howlgalkaas laga helay faah faahino dheeraad ah.
Ciidanka Puntland ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay degaannada Qaw, Ceelaayo, Durduri, Raas Gacan iyo Laasqoray oo dhammaantood ku teedsan xeebaha Bari iyo Sanaag, iyagoona kusoo qabtay doomo waday kalluumeysi sharci darro ah.
Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka badda Puntland (PMPF) ayaa waxaa lagu sheegay inay gacanta ku dhigeen 10 doonyo iyo shaqaalihii la socday, kuwaasi oo ku howlanaa kalluumeysi sharci darro ah, una dhashay dalka Yemen.
“Hawlgalka waxaa ciidamadu kusoo qabteen 10 doonyood iyo shaqaalahoodii, kuwaas oo u dhashay dalka Yaman, ugana kalluumaysanaayey si sharci daro ah xeebaha Puntland” ayaa lagu yiri Qoraalka Taliska Ciidanka.
Si kastaba Ciidanka PMPF ayaa horey dhowr jeer u qabtay doomo iyo shaqaalihii la socday oo u dhashay Yemen, iyagoona muddooyinkii u dambeeyay howlgalo ka dhan ah kalluumeysiga sharci-darrada ah ka waday xeebaha Bari iyo Sanaag ee Puntland.