Puntland Oo Dil Toogasho Ah Ku Xukuntay Shabakad Ka Tirsanayd Al-Shabaab

0
382

Puntland Oo Dil Toogasho Ah Ku Xukuntay Shabakad Ka Tirsanayd Al-Shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowlad gobaleedka Puntland, ayaa xukun ku ridday shabakad ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Shabakaddan oo ka kooban lix xubnood, ayaa afar kamida lagu xukumay dil toogasho ah, halka labada kalena lagu ridday xabsiyo kala duwan.

Farxaan Faysal Salaad, Cabdullaahi Faysal Xuseen, Barkhad Cawil Xirsi iyo Liibaan Aaden Muuse ayaa Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah.

Sidoo kale, Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi ayaa Maxkamaddu ku xukuntay 30 sano oo Xabsi ah, halka Cabdiraxmaan Cawil Maxamed, ay Maxkamadda ku xukuntay 20 sano oo xabsiya.

Maxkamadda ayaa sheegtay in shabakaddaas ay qaraxyo iyo dilala qorshaysan ka fulin jirtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here