Puntland oo digniin ka bixisay biyo La’aan dhalisay dhimasho, barakac iyo Nafaqo-xumo

0
39

Puntland oo digniin ka bixisay biyo La’aan dhalisay dhimasho, barakac iyo Nafaqo-xumo

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland (MoHADM) ayaa soo saartay codsi degdeg ah oo gurmad bini’aadantinimo ah kaddib xaalad adag oo biyo la’aan ah oo ka jirta qaybo badan oo ka mid ah Puntland, taas oo sababtay barakac, dhimasho xoolo, iyo kororka cudurrada la xiriira biyo la’aanta.

Wasaaradda ayaa sheegtay in roobabkii da’ay ee aan joogtada ahayn iyo xaaladaha qalalan ee isbiirsaday ay si weyn u saameeyeen ceelasha, berkadaha iyo ilo-biyoodka kale ee muhiimka ah, taasoo dhibaato gaar ah ku keentay qoysaska xoolo-dhaqatada ah ee ku nool gobollada Nugaal, Mudug, Bari iyo Sanaag.

 

“Bulshooyin badan ayaa qasab ku noqday in ay u guuraan masaafo dheer si ay u helaan biyo nadiif ah. Waxaa jira halis isa soo taraysa oo ku aaddan cudurrada ka dhasha biyo la’aanta iyo khilaafaadka bulshada dhexdeeda ee ka dhashay kheyraadka sii yaraanaya,” ayay tiri wasaaradda.

 

Qiimeyn la sameeyay ayaa muujinaysa xaalad degdeg ah oo ku saabsan nafaqo-xumada sii kordhaysa gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

 

Wasaaradda gargaarka ayaa waxay ugu baaqday hay’adaha samafalka iyo bahwadaagta caalamiga ah in ay si degdeg ah u kordhiyaan taageerada biyo-dhaaminta, dayactirka ceelasha, iyo adeegyada nadaafadda ee muhi

imka ah.