Puntland oo ciidamo geysay gobolka Sool si ay uga hortagaan diiwaan galinta doorashada qof iyo cod ee Dowladda Federaalka
Degaanadan waxaa kasoo jeeda madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo si cad uga soo horjeeda in halkaas laga qabto diiwaangelin.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa la sheegay inuu adeegsanayo ciidamo beeshiisa ah, kuwaas oo loo diyaariyay inay xabbad kala hortagaan cid kasta oo isku dayda inay diiwaangelinta fuliso.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa dhowaan safar ku tagay degaanadan, wuxuuna sheegay in ay qayb ka yihiin maamulka Puntland, isagoo sidoo kale halkaas ka dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo Puntland halkaas ka hirgelinayo.
Si kastaba ha ahaatee, dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa laga cabsi qabaa inay xiisad colaadeed ka dhex abuuraan Puntland iyo maamulka Waqooyi Bari.
Dhawaan, madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye, iyo wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ayaa dhowaan magaalada Laascaanood ku daahfuray diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo cod ee dowladaha hoose.