Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo kawada dadaalo nabadeed oo lagusoo afjarayo colaadda Galbeedka Mudug

0
62

Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo kawada dadaalo nabadeed oo lagusoo afjarayo colaadda Galbeedka Mudug

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa bilaabay kulamo ay ku doonayaan in xal waara looga gaaro colaadda u dhexeysa labo beelood oo kasoo kala jeeda labada dhinac, kuwaas oo ku dagaalamay degaano ku yaala galbeedka Mudug.

Dagaalladan ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo labada maamul ay ku guulaysan waayeen in xal kama dambays ah laga gaaro colaadda.


Masuuliyiin ka tirsan labada maamul ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo lagu qaban doono kulamo xiriir ah oo diiradda lagu saari doono sidii loo soo afjari lahaa colaadda iyo sidii beelaha loo heshiisiin lahaa.

Labada dhinac ayaa isku raacay inay ka xun yihiin dhibaatada colaaddu sababtay, waxayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in lagu dadaalo dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta degaannada ay colaaduhu saameeyeen.

Si kastaba ha ahaaatee, nabad aan cago buuxda ku fadhiyin ayaa lagasoo sheegayaa degaanada ay dirirtu ka dhacday ee hoos yimaada tuulada Jiicboor ee hoos timaada degmada Galgadob.