Puntaland Oo Somaliland Ku Eedeysay Sii Hurinta Dagaal Beeleedka Deegaanka Shidan Ee Gobolka Sanaag

0
352

Puntaland Oo Somaliland Ku Eedeysay Sii Hurinta Dagaal Beeleedka Deegaanka Shidan Ee Gobolka Sanaag

Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay Somaliland in aysan sii Hurin colaad u dhaxeysa laba beelood oo muddooyinkan ku dagaallamaya deegaanka Shidan ee woqooyiya gobolka Sanaag.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Dabaraani ayaa uga digay Soomaliland hurinta colaadaas, isaga oo sheegay in dadka deganka ay yihiin kuwo nabad ku wada nool.

Somaliland waxaan ugu baaqeynaa in aysan sii hurin colaada beelaha dirirtu ku dhexmartay deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag, Dadka deegaankana nabad baan ugu baaqeyna iyo inay dagaalka joojiyaan ayuu yiri” Jaamac Dabaraani.

Ugu dambeyn Afhayeenka Madaxtooyada Puntland waxaa uu shegay inay muhiim tahay in Odayaasha Dhaqanka degaanka Shiddo loo daayo howlaha nabadeynta ah ee labaad Beelood.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan ku guuleystay in uu heshiis dhex-dhigo laba maleeshiyo beeleed ee dhawaan ku dagaalamay deegaanka Shidan ee woqooyiya gobolka Sanaag, kuwaas oo isku heystay Ceel Biyood ku yaal degaankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here