Puntaland Oo Sheegtay In Ay Qabtay Qarax Iyo Hub Badan + Baadhitaano Socda

0
412

Puntaland Oo Sheegtay In Ay Qabtay Qarax Iyo Hub Badan + Baadhitaano Socda

Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay inay fashiliyeen Qarax la dhigay mid kamid ah xaafadaha Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kadib howlgallo ay sameeyeen.

Howlgalka oo uu Hoggaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle sare xuseen Cali Maxamuud ayaa waxaa lagu Qarxiyay Qaraxaas la dhigay mid kamid ah Xaafadaha Boosaaso.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud in Ciidamada Booliska ay sidoo kale qabteen rasaas iyo waxyabaha laga sameeyo Qaraxyada oo lagu diyaarinayay Magalada Boosaaso si loogu dhibaateeyo Shacabka.

Ugu dambeyn Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in waqti badan ay ku bixiin doonaan sidii looga hortegi lahaa falalka Amni darro oo ay geysanayaan Al-Shabaab.

Magalada Boosaaso iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Bari ayaa waxaa horay uga dhacay qaraxyo iyo weeraro lagu dilay mas’uuliyiin iyo askar, waxaana mas’uuliyadooda sheegtay Al-Shabaab & Kooxda Daacish oo aad ugu xoogan gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here