Ololaha Doorashada Turkiga oo gabagabo maraya & loolanka u dhaxeeya Xisbiyada Dalkaas oo kordhay.

0
205

Ololaha Doorashada Turkiga oo gabagabo maraya & loolanka u dhaxeeya Xisbiyada Dalkaas oo kordhay.

Waxaa heer gabagabo ah maraya ololaha doorashada Turkiga oo isku hayaan Xisbiga Talada Dalkaas haya iyo mucaaradka daneynaya in mar uun ay kursiga ka kiciyaan hoggaanka haatan jooga maamulka Waddankaas.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ah hoggaamiyaha ugu awoodda badan ee Dalkaas kana tirsan Xisbiga Talada haya ayaa dedaal dheeraad ah geliyay sidii Xisbigiisa uu markale u maamuli lahaa Dalkaas.

Kemal Kilicdaroglu oo ah ninka ay sida weyn isku hayaan Madaxweyne Erdogan ayaa wacad ku maray in haddii uu ku guuleysto uu dib usoo celin doonno Nabadda & Dibumqraadiyadda Dalkaas oo uu sheegay in aanay gaarsiisneen halkii la rabay.

Waxa uu intaas ku daray in xifaaltanka Doorashada uu yahay mid muujinaya sida loogu loolamayo wax u qabashad Bulshada sidaas awgeed qof weliba uu ku faanayo wax u qabashada Dadka oo ah waajib saaran.

Caqabado kala duwan oo dhanka Dadka codeynaya ayaa lasoo calaamadeeyay inkasta oo uu Guddiga u xilsaaran howshaan uu sheegay in uu wax ka qaban doonno dhammaan tabashooyinka kasoo laabtay goobaha lagu codeynayo.

Doorashada Turkiga ayaa ah mid indhaha lagu wada hayo natiijada ka dhalan kartii haddii uu ku guuleysan karo Xisbiga Talada Haya iyo haddii looga adkaan karo si meesha looga saaro maamulka waqtiga dheer jooga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here