Odayaal lagu xiray Magaalada Baydhabo, ka dib markii ay u hogaansamayn awaamiirtii Al Shabaab

0
561

Odayaal lagu xiray Magaalada Baydhabo, ka dib markii ay u hogaansamayn awaamiirtii Al Shabaab

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa lagu xir xiray Odayaal Dhaqameedyo iyo Ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya qaarkood, ka dib markii ay ka jawaabeen awaamiirtii Al Shabaab.

Xubnahan ayaa lagu xiray Magaalada Baydhabo, ka dib markii ay ku soo laabteen maalmihii la soo dhaafay, waxayna xilligan ku xiran yihiin Saldhigga Booliska Baydhabo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xubnahan ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Booliska, iminkana ay ku hayaan Saldhiga Magaalada Baydhabo.

General Mahad C/raxmaan Aadan, Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed ayaa Jimcihii sheegay in Odayaasha Dhaqanka iyo Ergada u tagtey Al Shabaab, ay tallaabo ka qaadi doonaan marka ay ku soo laabtaan Baydhabo.

Ururka Al Shabaab ayaa bartamihii bishaan soo saaray awaamiir ay ku sheegeen in Odayaashii Dhaqanka iyo Ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya looga baahan yahay inay iska soo diiwaangeliyan dhulka uu ururkaasi maamulo, si loo cafiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here