Ninka ugu caansan ee mucaaradka madaxweyne Kais Saied oo xabsi la dhigay

0
183

Ninka ugu caansan ee mucaaradka madaxweyne Kais Saied oo xabsi la dhigay

Booliiska Tunisia ayaa xabsiga dhigay hoggaamiyaha xisbiga Ennahda Rached Ghannouchi, oo ah ninka ugu caansan ee mucaaradka madaxweyne Kais Saied, waxaana xisbigiisu sheegay in tallaabadaasi ay muujinayso inuu sii kordhayo xarigga lala beegsaday dad badan oo si weyn uga soo horjeeday Saied.

Saacado kadib markii la xiray Ghannouchi, ayaa booliisku waxay weerareen xarunta xisbiga Ennahda , waxayna ka daadgureeyeen dhammaan dadkii joogay, si ay u billaabaan baaritaan qaadan doona maalmo, kadib markii ay soo bandhigeen amar maxkamadeed, sida ay saraakiisha xisbigani u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Booliska ayaa weeraray guriga Ghannouchi fiidnimadii isniinta,iyaga oo baaray kahor inta aysan geynin waxa uu xisbiga Ennahda ugu yeeray “meel aan la aqoon”.

“Waa isku day lagu doonayo in lagu weeraro Ennahda iyo xisbiyada mucaaradka, waxaan ka cabsi qabnaa inay horudhac u noqoto in xisbiga la xayiro,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, Riadh Chaibi, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xisbigan.

Booliska ayaa sanadkan xiray siyaasiyiin waaweyn oo ku eedeeyay Saied inuu afgambi ku sameeyay tallaabadii uu baarlamaanka la soo doortay ku kala diray 2021-kii, taas oo sababtay inuu wareegto ku xukumo dalka inta laga qorayo dastuur cusub.

Maamulka Tunisia ayaa Talaadadii mamnuucay shirar ka dhici lahaa dhammaan xafiisyada xisbiga mucaaradka ah ee Ennahda, waxaana booliska ay xireen xarunta dhexe ee isbaheysiga mucaaradka ugu weyn ee Salvation Front, sida ay sheegeen xisbiga iyo ilo-wareedyo rasmi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here