Nin Qaabeyay Siyaasaddii A/Dibadda Qarnigii 20-Aad Oo Geeriyooday

0
342

Nin Qaabeyay Siyaasaddii A/Dibadda Qarnigii 20-Aad Oo Geeriyooday

George Shultz, Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka oo si weyn u qaabeeyey siyaasaddii arrimaha dibadda dhammaadkii Qarnigii 20-aad, ayaa dhintey isagoo da’diisa ay tahay 100 sano jir.

Wuxuu Sabtidii ku dhintay gurigiisa oo ku yaal Stanford, California, sida uu sheegay Machadka Hoover.

Wuxuu xilal kala duwan ka qabtay xukuumadahii saddex Madaxweyne oo Jamhuuriya – Dwight Eisenhower, Richard Nixon iyo Ronald Reagan

1980-meeyadii Xilligii Mr Reagan, Mr Schultz wuxuu in badan isku dayay inuu hagaajiyo xiriirka dalkiisa la lahaa Midowgii Soofiyeet.

Agaasimaha Mac’hadkaHoover Condoleezza Rice – oo iyadu ahayd xoghayihii hore ee arrimaha dibadda – waxay tiri: “Saaxiibkeen wuxuu ahaa nin weyn oo Mareykan ah oo waddani dhab ah marka dhinac walba laga eego.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here