Nigeria:- Macalin Karbaash Ku Diley Ilmo Yar Oo Xabsiga La Dhigay

0
498

Nigeria:- Macalin Karbaash Ku Diley Ilmo Yar Oo Xabsiga La Dhigay


Nigeria:- Macalin Karbaash Ku Diley Ilmo Yar Oo Xabsiga La Dhigay
February 15, 2022
SHARE0
Macaln iskuul, ayaa lagu xirey dalka Nigeria, kadib markii lagu eedeeyey inuu karbaashey ardey 19 bilood jir ah, sida ay booliisku sheegeen.

Macallinka ayaa wax ka dhiga dugsi xannaano, iyo hoose iyo dhexeba, oo ku yaalla magaalada Asaba ee gobolka Delta.

Macalinka ayaa lagu eedeeyey in uu dhowr calaamadood u yeelay jirka ilmaha socod baradka ah, kadib markii uu karbaashay Isniintii lasoo dhaafey.
Eedeysanaha oo loo maleynayo inuu dhalay milkiilaha Iskuulka gaarka loo leeyahay, ayaa la sheegay inuu garaacay ilmaha yar ee ardeyga ah, kadib markii uu ku qabtay isagoo ku cayaarayo biyo. Ma uusan kahadlin qadiyaddan mulkiilaha iskuulka.

Ardeyga ayaa la sheegay inuu xanuunsadey, kadib markii uu falkaasi dhacey, waxaana loo qaadey xarunta caafimaadka federaalka ee magaalada Asaba, halkaasi oo uu ugu danbeyntii ku geeriyooday.

Afhayeenka booliiska, Dafe Bright, ayaa BBC-da Bidgin u sheegay in tuhmanaha lagu soo ooggi doono dacwad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here