Nigeria:- Dad Ka Baqayo In Ay Magaalooyinkooda La Wareegaan Sixiroolayaal

0
343

Nigeria:- Dad Ka Baqayo In Ay Magaalooyinkooda La Wareegaan Sixiroolayaal

Cudurka degdeg u taajir ayaa ku badan dhallinyarada, iyadoo la adeegsanayo habka lacag raadiska ee sixirka ku dhisan ee ka jira dalka Nigeria kaas oo noqday walaaca ugu weyn ee bulshada dalkaasi maanta heysta .

Mid kamid ah wargeysadda kasoobaxa dalka Nigeria ayaa waxyaabo uu la kulmay ay muujinyaan in arrinkan cusub uu ku badan yahay ragga gaar ahaan wiilasha yar yar e da’doodu u dhaxeyso 15 sano iyo wixii ka sarreeya .

Toddobaadkii hore saddex dhallinyaro ah waxay qirteen in ay dileen oo ay gubeen gabar dhallinyaro ah madaxeeda oo ay sixir lacag ku hel awgii sidaas u sameeyeen .

Gabadha oo magaceeda lagu sheegay Rofiat ayaa waxaa ceejiyey saaxiibkeeed oo ay gacan siinayaan saaxiibadiisa.

Sidoo kale hooyo ay qiratay in ay dishay wiilkeeda oo ay sidaas u sameysay sixirka lacagta lagu helayo awgii.

Dadka qaarkood ayaa waxay rumeysan yihiin shaqo la’aanta dhallinyarda,hantida iyo nolosha sare ee lagu soo bandhigayo baraha bulshada oo ay soo bandhigayaan dadka caanka ah in ay dhallinyarada ku riixeyso in ay howlahan guracan galaan.

Dad kale oo Nigeriaan ah ayaa waalidiinta ku eedeynaya in ay ku guul darreysteen mas’uuliyada carruurtooda oo ay wanaagga baraan

sid ay sheegayaan qaar ka mid ah dadka, waaidiinta ayaa lacago ka hela carruur aanay jirin meel ay lacag ka soo gali karto hadana aan weydiineyn halka ay ka helaan.

Kaniisadaha , masaajidada iyo hogaamiyeyaasha diinta ayaa wadaaga eedeyntaa helista lacagtaa, qaaraanka iyo deeqaha ka imanaya shaqsiyaadka aanay aqoon halka ay lacagtu ka soo gasho oo ay weliba sii dhiirigaliyaan.

Kuwa sixirooleyaasha ah ayaa dalkaaas looga yaqaanaa Babalawe waxayna sameeyaan sixir qooshan iyo xirsiyo.

Dad badan oo dhallinyaro ayey ka dhaadhiciyeen sixirooleyaasha haddii ay soo jaraan xubnaha qofka siiba kuwa ay jecel yiiin ay u sameyn karaan sixir keenaya in lacag badan ay helaan taas oo ku dhisan khuraafaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here