Nidaamkii doorashada Donald Trump oo la jabsaday

0
70

Nidaamkii doorashada Donald Trump oo la jabsaday


HomeNEWSNidaamkii doorashada Donald Trump oo la jabsaday
NEWS
Nidaamkii doorashada Donald Trump oo la jabsaday
by Caydiid AliAugust 11, 202401190
SHARE0

Nidaamkii ololaha ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump oo ah musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada November ka dhacaysa Mareykanka ayaa la jabsaday, waxaana la helay xogta istiraatijiyada ololihiisa iyo qorshaha maalmaha koowaad ee xafiiska, iyadoo markiiba kooxda ololaha Trump ay ku eedeyeen inay weerarkan internet-ka ka dambeeyaan kooxo xiriir la leh dawladda Iran.

Doorashada Mareykanka, ayaa la kulanta carqaladeyn iyo weerarro joogto ah, oo inta badan lagu eedeeyo Iran, Ruushka iyo Shiinaha, balse dabayaaqadii toddobaadkii hore shirkadda Microsoft ayaa la sheegay inay la wadaagtay warbixin digniin ah kooxaha ololaha doorashada, iyagoo u sheegaya inay Iran sare u qaaday faragelinta iyo weerarradeeda internetka ee ka dhanka ah ololaha doorashada.

Dhinaca kale, Musharraxa Xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka ee jagada Madaxweynaha, Kamala Harris ayaa la sheegay inay kaga horreyso Donald Trump, ra’yi ururintii u dambeeysay ee laga sameeyay saddex gobol oo furaha u noqon doona doorashada soo socota ee Maraykanka, sida uu baahiyay wargeyska New York Times.

Gobolladan oo kala ah; Michigan, Pennsylvania iyo Wisconsin, waxaa ra’yi aruurinta New York Times/Siena College lagu oggaaday inay Kamala Harris ka heli karto boqolkiiba 50, marka la barbar dhigo taageerada boqolkiiba 46 ee Trump ee gobol kasta.

Ku dhawaaqista guddoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz inuu noqonayo Madaxweyne ku-xigeen ayaa la sheegay inay shidaal ku shubtay ololaha xisbiga dimuqraadiga, taasoo usoo jiiday gobollada dimuqraadiga inay xoojiyaan taageeradooda.

Doorashada Mareykanka ayaa dhacaysa 5 November, marka la joogo 7 November, qof walba wuxuu oggaan karaa Madaxweynaha cusub ee Mareykanka.