Nicholas Haysom muxuu u sheegay Golaha Ammaanka ee QM?
Nicholas Haysom ayaa sheegay in uu Soomaaliya yimid 3-dii October ayna si Wanaagsan u soo dhaweeyeen saraakiil sar sare oo katrisan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.
Waxa uu sheegay in uu la dhacay qorsheyaasha isbaddalada waqtiga dheer ee Xukuumadda iyo sida ay uga go’antahay in ay u fuliso qaab ficil ah ayadoo adeegsanaysa hannaankii lagu gaadhi lahaa.
Soomaaliya ayuu sheegay in ay u socoto dhanka Wanaagsan, balse isku dhacyada siyaasadeed ay u keeni karaan in ay waddadaas ka weecato.
Dhanka maaliyadda ayuu sheegay in Isbaddalada maaliyadda iyo ballaarinta dakhliga gudaha ee lagu kordhiyay 8-da milyan ee dollar bishii September ay ka dhigan tahay in boqolkiiba 56 miisnaaiyadda dawladda federalka ah ay ka imaanayo dakhliga gudaha oo gaaraya 340 milyan kaas oo sanadka 2019 kasoo xaroon doona gudaha dalka halka inta kalena ay bixin doonaan deeq bixiyeyaashu.
Wuxuu ku ammaaay xafiiska Raysul Wasaaraha dadaallada la dagaallanka musuqmaasuqa, ayna kamid tahay in xukuumaddu ay 9-kii December ku dhawaaqday in ay saxiixdo heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka musuqmaasuqa.
Arrimaha asaasiga ah ee dib u dhiska dalka ayuu ku sheegay in ay kamid yihiin, arrimaha doorashooyinka, dib u eegiska dastuurka, hirgalinta federaalka iyo dib u heshiisiinta.
Ayadoo ay jiraan isbaddalladaas wanaagsan ayuu sheegay in ismariwaaga u dhexeeya dawladda federaalka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah federaalka uu curyaaminayo in la garto nooca federaal ee uu dalku qaadanayo iyo hirgalinta qorshaha dhisidda ciidan qaran.
Hakadka ku yimid wada shaqaynta u dhaxaysa dawladda fedraalka iyo dawladaha Xubnaha ka ah ayuu sheegay in ay ku dhawaaqeen golaha iskaashiga maamul goboleedyada 8-dii September.
Waxa uu sheegay in ay booqdeen dhammaan gobolada, ayna jireen hindiseyaal dhiirri galin leh oo lagu doonayo in lagusoo celiyo calaaqaadka.
Hase ahaatee, ayuu yiri xaaladda dalka waxaa cakiraya hannaanka doorashooyinka kuwaas oo haatan ka dhacaya dhowr kamid ah dawlad goboleedyada.
Waxa uu tusaale u soo qaatay doorashadii dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, oo uu sheegay in eedaymaha la xiriira faragalinta dawladda federaalka ah iyo rabshadaha halkaas ka qarxay ee ka dhashay xariggii ku xigeenkii hore ee Alshabaab aaanay wanaag u horseedayn doorashooyinka kale ee mustaqbalka ka dhacaya gobollada kale iyo tan qaranka labadaba.
Arrintan ayuu sheegay in ay mustaqbalka keeni karto dad u goosta Alshabaab kuwaas oo ka faaidaysanaya qalalaasaha.
Waxa uu sheegay in uu ka xun yahay 15-kii qof ee ku dhintay rabshadahaas uuna kamid ahaa xubin kamid ah baarlamaanka Koonfur galbeed.
Waxa uu si xooggan u canbaareeyey weerarkii hoobiyaha ahaa ee lagu qaaday Xaruntooda Muqdisho laba maalmood kahor.
Wuxuuna intaas raaciyey in aan la aqbali karin weerar kasta oo loogaysto Qaramada Midoobay. Asagoo sheegay in shaqaalihii halkaas ku dhaawacmay ay xaladoodu liidato masuuliyadda weerarkana ay sheegatay Alshabaab . Wuxuuna soo dhaweeyey cambaaraynta Xukuumadda federaalka ah ee weerarkaas.
Al-Shabaab ayuu sheegay in ay wali tahay halka ay khatarta ugu wayni uga imaanayso Soomaaliya.
Dhanka kale dhibaatooyinka gargaarka biniaadannimo ee kajira Soomaaliya ayuu sheegay in ay tahay tan ugu adag dunida.
Waxa uu kusoo gabagabeeyey in Soomaaliya ay dhidibada u aastay sidii ay u samayn lahayd hannaan muhiim ah sanadka 2019. Waxa uu sheegay in qorshihii la dajiyey astaamuhuna ay cadyihiiin.
Sida loo maamulo doorashooyinka soo socda ee 2019-ka iyo hannaanka siyaasadda ee harsan, gaar ahaan dib u eegista dastuurka ayuu sheegay in ay go’aamin doonto in Soomaaliya ay hormar kale ku tallaabsato iyo in kale.
Si loo gaaro arrimahaas ayuu sheegay in loo baahan yahay in dhammaan dhinacyada ay khusayso ay hal dhinac ugasoo wada jeestaan.