Natiijada kasoo baxday Doorashada uu Markale ku guuleystay Axmed Madoobe

0
17

Natiijada kasoo baxday Doorashada uu ku guuleystay Axmed Madoobe

Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacday Doorashada Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo uu ku guuleystay Musharrixii aadka loogu badinayay xilkaas ee Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Afartii musharrax ee isku diiwaangelisay Doorashada Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaa kahor codeynta ka tanaasulay Dr Cabdi Xasan Xajiin oo Baarlamaanka kahor sheegay in uusan u diyaarsanayn qabashada xilkaas uu isu diiwaangeliyay.

75 Xildhibaan oo codeeyay waxaa ay Musharrixiintu kala heleen:

Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo helay 55 cod, Abuukar Cabdi Xasan oo helay 4 cod iyo Faysal Maxamed Mataan oo sanduuqa codbixinta ka helay 16 cod sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DG Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Axmed Madoobe oo Khudbad jeediyay kaddib markii loo xaqiijiyay in uu ku guuleystay Doorashadii loo saadaalinayay in uu ku guuleysanayo waxa uu ka hadlay caqabadaha Dowlad-Goboleedkaas soo maray iyo waxyaabaha ay isku qabteen Dowladda Federaalka.

Madoobe ayaa sheegay in 5ta sano loo doortay Xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka uu ka shaqeyn doonno dhinacyada Amniga, La dagaalanka ‘AS’ iyo xal u raadinta khilaafaadka kale ee siyaasiga ah ee jira sida uu hadalka u dhigay.

“Wadahadal ayaan diyaar u nahay, aan wada xaajoodno laakiin meermeerka halaga daayo, aniga ayaa maanta Madaxweyne ka ah Jubbaland mana jirto cid kale oo Madaxweyne ka ah” Ayuu yiri Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u diiday doorashada dadban ee maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo iyada oo sheegtay in Axmed Madoobe uu qayb ka ahaa xubnihii saxiixay in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof & Cod ah.